Damiir Xumo!

Friday, November 27, 2015

Isdhaxyaac Maamuleedka Dowlada Soomaaliya

Astaanta Qaranka Soomaaliya
Sidaan wada oganahayba waxaa jira qawaaniin iyo sharuuc kala asteeysa howl maamuleed kasta oo jira, isla markaane xaduudaysa dhamaan waax/qeyb kasta shaqadeeda u gaarka ah ee markaasi loo igmaday . arintaas oo looga goleeyaha in dhamaan shaqada  sihufan oo jahwareer ku jirin looguto, waxay sidoo kale sahleysaa in ujeedkii iyo hadafkii laga lahaa howshaas ku dhamaato guul iyo waqtigii logu talo galay, Is-dhaxyaacu waa cadawga kowaad ee hor-istaaga kala socoshada dhamaan howl maamuuleedka laga doonayo natiijo wax ku ooleh waqti cayiman.
Ujeedka qoraalka ayaa waxuu yahay inaan iftiimiyo dhamaan meelaha ay ka jiraan isdhax-yaaca maameleed ka jiraan iyo wax keenaya arintaas manta jirta oo noqotay mida kaliye ee hortaagan hore usocodka iyo ka mira-dhalinta dhamaan howlaha horyaala hay’adaha dowlada feredaalka soomaaliya ee maanta shaqeeynaya.  Sida  muuqata waxaa jira iska marqab la’aan baahsan u dhaxeeysa dhaman wasaaraddaha dowlada iyo waaxyaha hoos-imaada, waxaa sidoo kale jirin xariir howled dhaxal gal ah, arintaas ayaa waxaa sabab u ah hogaaan xume baahsan oo ka jirto dadka ugu sareeya hayadahah dowlada talada ka go’do iyo aqoon la’aan xaga maamulka ah oo ka jirta guud ahaan hayadahaha dowlada iyo shaqaalahoda u qaabilsan fulinta shaqada.

Waxaad sidoo kale aad arkaysaa oo la’ayaab leh iyadoo shaqo laga rabay wasaarrad ka mid ah dowlada oo wasaarada kale ku mashquulsantahay qabashada howlahaas aan ahayn waxii loo igmaday,  Hadaan tusaale usoo qaato; waxaa dhawanahan saxaafada soomaaliya baahisay amaro adag uu bixiyey madaxa hay’ada amiga iyo sirdoonka soomaliya oo ku sheegay in dhamaan meelaha laga soo galo magaalada muqdish aay noqon donaan dhowr goobood iyo sidoo kale sharuudo adag duldhigay shacabka kabaxaya magaalada iyo kuwa soogala, amaradaas oo ah kuwo aanan laga soo fakirin isla markaane kasoo bixin meshaa awooda u laheyd ama howlahaas u xilsaarneyd dowlada.

Hadaba yaa bixini karo amarka nocaas oo kale ah, ma madax haayad amni mise wasaarada arimaha gudahaha, mida kale away wasiirkii arimahaas la rabay inuu ka hadlo, ayadoo aan oganahay in hayadda amniga hoos imaado wasaarada arimaha  difaaca lakiin hadane waax kamid ah waaxyahaha wasaarada arimaha gudahaha oo aanan kaligeeyd ka gaari Karin go’aanka inataas la eg, go’aankaas oo u bahaan in lagala tashado dhamaan qolyahaha ay kusaayso arintaan sida wasaarada arimaha gudaha.
Hadane hadii hay’adaha  ama wasaarad ka mid ah wasaaradaha dowlada go’aan gareeyso waxaa laga maarmaan ah in go’aankaas lug ku yeshaan dhamaan dhinacyada ay ku qusayso arintaas, dhinac yadaas ayaa noqon kara wasaraado kale iyo gudiga barlamaanka u qaabilsan amniga iyo arimaha gudahaha.  Tusaale ahaan; Arinta noocan oo kale ah waxaa marka kowaad laga rabaa in amaradaas kasoo baxaan wasaarada arimaha gudaha, wasaarada arimaha gudahaha waa inaay ogeysiisaa hayadaha amaanka ee hoos yimaada wasaarada difaaca, wadatashi iyo falanqeyn lagu sameeyaa amaradaas iyo dhibaada iyo faa’ida uu yeelan karo shacabka gobtaas ku nool, iyadoo laga eegayo saameyn dhaqaale, arimaha bulshada uu sameeyn doono mustaqbalka.
waxaa nasiib daro ah in waax ka mida ah wasaarad amar intaas la eg duldhigto dad shacab ah, arintaan waxay cadaayn u tahay inay jirto isdhax-yaac ku dhisan aqoon daro maamuleed iyo dano shaqsi. Dhibaatada kale ee is-dhaxyaaca xaga maamulka keenay ayaa waxaa ka mid ah ayadoo masuuliyiinta xililka haya aaysanba ogeeyn maqaamkooda iyo awooda maamuleed, waxaa dhacday marar badan oo aad arkaysaa in wasiiro la kulmaya masuuliyiin ka socdo NGOs, Hayadaha gargaarka ayadoo joogaan dhigooda wasaarada, sida madax waaxeedka qabilsan arintaas, laakin midaas badalkeeda aad arkaaysid inay jirto arinta ah yaan lagaga hormarin la kulanka masuuliyiinta.
Sababta ugu badan ee keenaya is-dhaxyaacaan ka jira hayadaha dowlada ayaa waxaa kow ka ah musuq-maasuqa baahsan eek u dhisan shaqsida laga soo bilaawo wasiirka ilaa shaqaalaha ugu hoseeya maamulka iyo damiir la’aanta, dabacsaanta ka jirta qabashada shaqada qaranka, la xisaabtan la’aanta dhunsashada hantida shacabka, sidaan horay usoo sheegayba waxaa jirin shaqaalo u dhisan howshaas, iyadoo aan oganahay qaabka lagu keenay shaqada. Intaas oo dhibaato ayadoo ka jirto hayadahaha dowlada ayaa hadane waxaan jirin dadaalkii laga rabay masuuliyiinta iska sareeyn sidii loo hormarin lahaa aqoonta shaqaalahooda.
Talo Soo jeedin
Waxaan u soo jeedinayaa masuuliyiinta xilka qaranka haya inay iska dhafaan ku mashquulka howlaha ka baxsan waxii loo igmaday iyo arintaan ah maxaa iga galay aniga bari waan ka tagayaa shadaan aan maanta hayo, ogow waxaad u shaqeeyneyso waa dhamaan shacabka soomaliyeed adigane aad ka mid tahay, waaxaa wanaagsan in shaqsi kale shaqo aad u qaban laheyd qaranka aadan dartiis u dhaaftid adigoo ku xumaaynaya dano shaqsi oo idin ka dhaxeeya.
W/Q Mohamed H. Abdirahman (MPA)
Mr.Abdirahman Waa Qoraa, Cilmibaare ka tirsan Xarunta Muqdisho ee Cilmibaarista & Daraasaadka.