Damiir Xumo!

Saturday, December 25, 2010

Monday, December 13, 2010

Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho

Markii Mike Spencer Bown uu ka soo degey diyaarad uu ku yimid Muqdisho toddobaadkan, islamarkaasna isku sheegay in uu yahay dalxiise, waxaa saraakiisha Soomaaliyeed ee socdaalku ka fekereen in ninkan reer Canada in uu waalan yahay ama Jaajuus yahay” Sidaas waxaa Axad Dec 12, 2010 qortay Jariidada Ottawa Citizen oo k asoo baxda Canada…

yadoo dagaalo iyo nabadgelyo daro ka jirto Magaalada Muqdisho isla markaana maalin walba ay ku dhimanayaan dad fara badan ayaa waxaa todobaadkii tegey dabayaaqadiisii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo degay nin u dhashay wadanka Canada, waxa uuna diyaarad ka soo raacay dalka Jabuuti iyadoo Fiisaha dal ku galka Somaaliya uu ka soo qaatay safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka Itoobiya.
Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Spencer Bown ayaa markii ka soo degay diyaaradda Jubba Airways ayaa waxaa markiiba gacanta ku dhigay ciidanka Nabad sugida ee waaxda socdaalka, waxaana la weydiiyey sababaha u soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay “Waxaan ahay dalxiise waxaa doonayaa magaalada Muqdisho waxayna ka mid tahay goobaha ii qorsheysnaa in aan ku dalxiiso, waayo waxaan soo maray 160 dal”, “waxaa uu intaasi sii raaciyey jadwalkii ii qorsheysnaa ii imaanshaha Muqdisho ma ahan mid aan ka laabanayo”.

Dhacdadaan la yaabka leh waxay si weyn fajiciso ugu abuurtay ciidamadii nabad sugida ee ku sugnaa Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in dib loogu celinayo Diyaaradda oo uusan gudaha u geli Karin Magaalada Muqdisho, balse ninkaan ayaa si weyn uga gilgishay waana uu diiday in uu dib ugu laabto diyaaradda, waxaase la damcay in xoog lagu saaro, hase yeeshee waa lagu guuleysan waayey in xoog lagu saaro diyaaraddii, waxaana markii dambe la soo jeediyey in ciidamada AMISOM gacanta loo geliyo oo ay hayaan mudo kooban, balse ciidamada AMISOM waa ay diideen waxayna sheegeen in aysan wax shaqo ah ku leheyn arrimaha noocaan oo kale ah.
Dood dheer iyo muran kadib ayaa waxaa markii dambe la go’aamiyey in loo yeero mid ka mid ah milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho, waxaana laga codsaday in uu mudo labo maalmood ah uu hayo ninkaasi sidaas ayaana loogu dhiibay ninkaasi.

N.B> Xuquuqda qoraalka Waxaa Is Kal Leh Somalitalk.Com

Wednesday, October 13, 2010

Wasiirka waxbarashada ee Pakistan oo billad dahaba uu gudoonsiisay Arday Soomaali ah

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedkeeduna ahaa in billado lagu gudoonsiiyo arday tiradooda garayso 2389 (laba kun sadex boqol iyo sideetan iyo sagaal) oo 36 kamid ah ay hanteen billado dahab ah kana qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee Jamacada International Islamic University intii u dhaxaysay September 2008 ilaa August 2009 ayaa maalinimadii shalay ahayd ka dhacday xarunta shirarka ee Islamabad (Islamabad Convention centre).

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan dawlada Pakistan, safiiro, maamulka jamacada, shaqaalaha, ardayda iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay ayaa ku soo gabagabowday sidii loou tala galay.
Wasiirka waxbarashada ee dalkan Mudane Sardar Assef Ahmed Ali, madaxwaynaha jamacada Dr. Anwar Hussain Siddiqui, iyo madaxwayne ku xigeenada Mrs. Parveen Qadir Agha. Qaar kamid ah hormuudyada kulliyadaha kala duwan ee jamacada ayaa munaasabdan ka hadlay waxayna bogaadiyeen dulqaadka iyo dhabar adayga ay sameeyeen ardayda intii ay tacliintooda kusoo guda jireen.
Ardayda biladaha lagu gudoonsiiyay ayaa ka qalinjabiyay kulliyadaha Management Sciences, Basic and Applied Sciences, Shariah and Law, Islamic Economics, Social Sciences, Islamic Studies, Engineering and Technology, Arabic iyo Luqadaha.
Waxaa xaflada lagu gudoonsiiyay billad dahab ah (Gold medal) arday Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad salaad Muxumed kadib markii uu keenay dhibcaha ugu sareeya shahaadada loo yaqaan B.A ee shareecada iyo Qaanuunka..
Waxaa kaloo ka mid ahaa ardayda qalin jabisay sadex arday oo ayuguna soomali ah laguna kala magacaabo Zakariye Ismaaciil X. Nuur, Saleebaan Maxamed Maxamuud oo iyaga ka qalin jabiyay kuliyada shareecada iyo qaanuunka, iyo Jaamac Ciise oo isna ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha.
Gabagabadii xaflada waxaa billadaha ardaydan gudoonsiiyay Wasiirka Waxbarashada Sardar Assef. uu soo wakiishay madaxwaynaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari oo aan madasha soo xaadirin.
Ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed ( UGAS) ayaa sidoo kale hanbalyo u diray ardaydan kuna dhiiri galiyay inay sii wadaan tacliintooda si barri u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.
Taniyo markii dhidibada loo taagay jamacadan horaantii 1980kii waxaa ka qalin jabisay arday gaaraysa 17000 (todobo iyo toban kun) waxaana jamacada ka helay shahaadada Phd 46 arday. Xilligan jamacada waxaa dhigta arday kor u dhaafaysaa 18000 ( sideed iyo toban kun) oo ka kala yimid ilaa 56 dal.
Daawo sawirro kale:

Tuesday, September 21, 2010

Saturday, June 19, 2010

Maxaa Hortagan Habsami usocodka Hormarka Xaga dhaqaalaha Iyo Waxbarashada Gobalka gedo?

Waxaa mahadi is kaleh illahaygii iisura galiyey soo diyaarinta maqaalkani ka hadlaya wadciga iyo xaalada uu kusagan yahay gobalka gedo iyo shacabweynaha ku dhaqan, waxan maqaalkan ku soo qadan donaa xog ka hadleysa dhamaan dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha gobalka gedo 20-kii sano aynu soo dhaafney.

Gobalka gedo waxaa lagu tiriyaa in uu yahay gobalka 2-aad ee ugu weyn 18-ka gobal ee somaliya ka koobantahay, Waxane illah ku mineystay qeyrad meel kastoo oo ma mid ah gobalka, gobalku waxa dhaxmara wabiga ugu weyn somaliya ee (jbba river) iyo wabiga daawa, waxa gobalka gedo uu can ku yahay beeraha sida kuwa beeraha wabiga dhinaciisa laka tabcado iyo kuwa labeyrto xiliyada roobabka sida guga iyo deyrta waxane intaas sii dheer iyadoo gobalka uu can ku yahay dhaqashada xoolaha nooyadoda kala duwan sida geela, lo’da iyo ariga, markii laga soot ago dhinaca tabcashada beeraha, dhaqashada xoolaha ayaa waxaa ay kaalin muhiim ah ka ciyaaran dhaqaalaha gobalka.

Inta badan shabacka kunool gobalka gedo 60% waxaa lagu tirshaa xoolo dhaqato reer guura ah, marka sikale loo dhaho inta badan shacabka gobalka gedo waxaa ay ku noolyihin baadiyaha, inkastoo sanadadii ugu danbeyey dad fara badani ay soo galeyn dagmooyinka uu ka koobmo gobalka hadane wali waxaa ladhihi karaa wax sidaa ah iskama badlin sidii hore.

Hadaba ayadoo ay jirto arintaas ayaa hadane gobalka waxa ladhihi karaa waxaa ku tilaabsaday hormar aan sidaa u weyneyn marka laga eego dhinacyada aan kor kusoo xusay sida dhaqalaha iyo waxbarashada.

Waxaa shaki uusan kujirin in gobalka gedo uu waxyaabo badan kaga fiican yahay qaar kamid ah gobalada somaliya oo sida weyn uga hormarsan gedo, hadii aan tusaale usoo qaadano waxyaabaha la’yaabka leh ee gedo caanka ku tahay waxaa ka mid ah yadoo gobalka gedo ay heysato fursado xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha, gobalku waxu daris layahay wadamada Kenya iyo Ethiopia, iyadoo halkaasi ka banaantahay fursado ganacsi kuwaasi oo loo baahnaa in ganacsatada gobalka ay siweyn ugu fa’ideeystan, lakin waxaa muqata dhamaan fursadahasi anan ilaahada laga faa’ideeysan.

Sidaan lawada socono qaar kaid ah gobolada dalka ma heystaan fursadaha gobalka gedo heysato, tusaale bal eeg gobalada putland iyo galgaduud sida ay hormarka ugu tilaabsadeyn dhinac walibo leh sida waxbarashada, daqaalaha iyo adeegyada bulshada
Ma waxan dhihi karnaa waxaa ay kugareyn hormarkaasi goboladaasi xag qeeyrad ay dheer yihiin gobalka gedo, Su’aashu waa maya, lakin waxaan dhihi karma waa shacab isku tashtey kuna midoowey in wax qabsadaan.

Waxaa ilaa hada aan layabanahay waxa shacabka kazoo jeedo gobalka gedo ay utashan la’yiihiin go’aan qura uqadan layihiin sidii gobalka gedo looga dhigi lahaa gobalka ka dhaxmuuqda dhamaan gobolada soomaaliya dhinac waliba.

Inta badan waxaa dhagaha shacabka gobalka gedo kusoo dhaca shirar lagu tilmamo kuwa loga tashanaayo ayaaha gobalka gedo, go’aano iyo balanqaadyo kadibne wax kazoo naas cadaado lawaayo.

Markii an usoo laabto ka jawaabista su’aashani ciwaanka u ah qormadaani waxaan halkaani kusoo idin kusoo gudbinayaa fikirkeyga ku aadani qababka ugu fudud ee lagu hormarin karo dhaqaalaha,waxbarashada gobalka gedo iyo caqabadaha aan isleeyahay weey hortaagan yihiin imikadaan lajoogo.

1-Caqabadaha hortaagan dhinaca dhaqaalaha gobalka gedo.

Inkastoo aysan jirin aqoon sidaa udheeq oo ay leeyihiin ganacsadata gobalka gedo
Hade tagi ayaa waxaa jidgooyo weyn ku tahay hormar laga gaaro dhinaca dhaqaalaha,
Iyo iyadoo anan sidii larabay looga faa’deeysan ilaha furaha u ah dhalqalaha sida waxsoorka beeraha gobalka iyo iyadoo sidoo kale iskaliitan agabyada wax sosaarka beeraha kuwaasi oo usaa maxeynin in sidii larabay beeraleyda wax usoo saran.

Inkastoo ay jireeyn hayado fara kutiris ah oo ugu deeqay beeraleyda gobalka gedo qalabka beeraha lakin kuma filna baahida loo qabo agabka beeraha.

Friday, April 2, 2010

What is The Best Way to Learn New English Vocabulary?

Teachers report that the most common mistakes that students make are vocabulary mistakes. English learners most often choose an incorrect vocabulary word when they try to express themselves. Why is vocabulary so difficult to learn correctly?

The most important reason is that students often learn vocabulary out of context. Maybe they try to learn vocabulary by reading the dictionary. Or maybe they collect lists of words and memorize them. Some people buy vocabulary books. The problem with all of these methods is that you don't learn vocabulary in context. You don't see enough examples of the word in sentences. So you never really learn the correct way to use the word.

Research shows that the best way to learn new vocabulary is to read read read. Seeing vocabulary in a natural context - for example, in a newspaper or magazine article - will help you to use your new vocabulary correctly, and seeing it in context will also help you to remember it better.

So this is what you need to do. Read English books. Read English magazines. Read English newspapers. If you're in an English-speaking country, read the advertisements on buses and signs on the streets and highways. Read English stories. Read graphs and tables and charts. Read the English operating manuals for your TV, washing machine, etc.

When you see a new word, write it down. Write down the whole sentence because this will remind you of the correct context for the word. Write down two or three or four different sentences where you've seen the word. Write down the definition of the word.

Pay attention to the part of speech of the word: is it a verb, a noun, an adjective or an adverb? This is also a common mistake that students make; sometimes they choose the correct vocabulary word, but they use the incorrect part of speech. For example, they use a noun instead of a verb. They say "arrival" instead of "arrive". Or "departure" instead of "depart". So when you find a new word, make sure to learn its part of speech. And then write down every part of speech for that word. For example, if your new word is "protect": protect is the verb form, protection is the noun form, protective is the adjective form, and protectively is the adverb form. Write down all four forms.

You can write your new words on a sheet of paper. Or you can write them on flashcards. You can even make flashcards online, on some online dictionary web sites.

In order to remember your new words better, try using them. Write some practice sentences and include some good context. Write a couple of sentences. Ask your English teacher or any English speaker to check your sentences. Do they make sense? Are they good sentences?

When you learn vocabulary this way, you learn to use it correctly and naturally. It is the best way to learn new vocabulary. So start reading!

Copy Right:::::::(Aleem Ahmed Qureshi, Bahawalpur)

Wednesday, February 3, 2010

3 Geel ah oo Lagu iibshay Lacag dhan $1.35 million.>>(Dhacdo La’yaab leh)‏

Dunidaan anu ku nool nahay waxaa malin walbo kadhaca waxyaabo Maskaxda aadamaha ka weyn ama horeyba usoo marin,

Dalka imaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhacday dhacdo ka yaabisey dadka ku nool halkaasi, Nin udhashay Wadankaas ayaa waxaa uu ku baayacay 3 neef oo geel ah, Lacag Lagu qiyaasay 24 million dirhams, oo udhiganta ($6.47 million) dollarka Wadanka Mareykanka.

Hadane taasi waxaa sii dheer, Mid kamid ah Sadaxdaas geela ah ayaa qiimahisa ku Kacayaa $2.72 million.

Munasabada lagu kala iibsaday Geela ayaa waxa lagu magacabaa( Dhafra Festival for Camels), Waxane ka soo qeyb galay mulkilayaasha ugu geela Badan Wadamada Khaliijka, Waxaane sidoo kale mid ahaa Marti sharaftii Xafladaasi lagu casuumay dad aad looga yaqaano Wadamada qaliijka.

Waxaa inta badan lashegaa, in dadka Wadamada Carabta ay yihiin dad siweyn ujecel Tartamada geela, Kuwaasi oo aminsan in ciyaaraha geela ka mid yihiin ciyaaro Qarameed & kuwa dhaqanka intaba.

Sidoo kale wadamada Khaliijka waxaa caadi ka ah tartamada loo qabto geela, sida ayagoo laga fiiriyo geela ugu canaha fiican iyo kuwa ugu hilibka wanagsan, Waxa sidoo kale tartamadaan kamid ah, Gabayada ugu wanagsan ee loo tiriyo ama lagu amaano geela.

Mohamed Hussien Kalafoge.

Xigasho:www.Alarabiya.com/english

Thursday, January 7, 2010

Doorka Dhalinta Somaliyeed Iyo Arimaha Cakiran ee Ka Jira Dalka.

Sidaan Wada ognahay, Waxa Su’aali Ka tagneyn in Dhalintu tahay ubaxa Dalkasta ee dunidaan aan kunool nahay,Waxase si kale loo dhihi karaa, in dhalintu tahay Mustaqbalka ummad Waliba kufaanto, Qaran Kasta inta uu Ka dhalin Badan yahay ayuu Ka hormar iyo mustaqbal Wanagsan Yahay Kuwa Kale, Inkastoo magaca Dhalinyaro siyaabo kala duwan loo isticmaalo, kuwaasi oo mararka qaar faa’ido weyn iyo hormar u horseeda Bulshada ay ka midka yihiin , lakin dhinaca kale waxa la isdhihi karaa Waxa isa sootaraya qaabka qaldan ee loo isticmalo Dhalinta, Waxaad Arkeysaa dhalintii ahaa iftiinka dalka ey ayagii horseed u yahiin dhibaatada iyo gumaadka shacabka.

Waxaa qof waliba uu ogyahay, In xoriyada aan maanta ku Nool nahay ay dhiigoda usoo daatay dhalin somaaliyed oo aad utira badan, iyadoo mahadi Hadi haka gartee ay horseed u ahaayen 13-kii dhalintii SYL ee Naftooda iyo malkooda ku baxsheyn, sidii mar ummada somaliyeed ay u heli lahayen xoriyad buuxda, una yeelan lahayen Qaran somaliyeed, dhalintii SYL Waxa ay aqoontoda aad uga Hooseysay tan ay maanta Heystan dhalinta somaliyeed, isla markaane,Ka hoos shaqenaayey xaalad cakiran oo gumeysi Hoostis ah, ayaa waxaa ay xaqijeyn hadaf kodii ahaa in gumeystaha ka xoreyaan gayiga somaliyeed, isla markaane dhidibada utageyn qaran somaliyeed oo madax banaan oo dunida laga qonsanyahay, Waxaane xusid mudan in dhalintaas eysan ku loo lamin, kamid noqoshaha dowladaasi ay dhiseyn, Waxane halkaa ka muqada in Waddanimo aad uweyn ay ku abuurneyd 13-kaas dhalin yaro.

Inkastoo dhalinta SYL dhaqalihii ay kushaqeyn jireeyn uu ahaa mid kayimada dadweynaha somaliyeed, Waxane halkaa muqata in dhalinta SYL aysan marne Dhaqaale ka yimaada dalalka diba aysan kutirsaneyn, oo howshudu aheyd iskaa wax u qabso, Magac somalinimo uu ku weynaa.

Waxii Ka dabeyey burburkii qarankii Somaliyeed, dhalinta somaliyeed waxaa ka guuray qaluubtoda erayga Waddani, Waxane badalka taasi u badaley Magaca sida qaldan soomalida u fasiratay ee “QABIILKA” iyo Waxii lamid ah, Waxaane dhalinta somaliyeed ay noqdeyn qoryahii lagu shiday dhamaan dagaaladii Ahliga ahaa ee soomaray somaaliya 19-sano aynu soo dhafnay,

Hogaamiye dhaqameed ama kooxed kasta markii uu doonayo in uu dagaal huriyo, Barta kaliye ee uu ugeedadiisa ku gaari karo waa in uu Hubeyo dhalinta ay markaasi Xigtada iskugu dhaw yihiin isagoo markaasi, Kusheega in ey difaacayan danaha shacabka ama jufada uu kasoo jeedo, Halkaasi ay colaad xoogani ka dhalato, Taasi oo ay sabab u Tahay dhalinta somaliyeed, lakin waxa isweydin mudan sababta ay ilaa hada dhalinta somaaliyeed uga dhiidhin La’yihiin arintani guracan, ay ku kacayaan qashsiyaadka sida xun ufakira ee bulshada ku dhaxjira, Ku waasi oo dhamantood aad moodo in ka Siman yihiin Gumaadka maatada aan wax galabsan, iyagoo had iyo jeerba usoo xirta shaatiyo kala duwan, ay usoo galiyaan shaqsiyaad ajaanib ah, ku waasi oo dano gaar ka leh somaaliya.

Dhibaatada Katagan Dalka ayaa Waxaa Gacanta ugu weyn Kageysta Dhalinta somaliyeed, ayadoo taasi jirto, ayaa Hadane Waxa yaraaday Dadaalada lagu Wacyi galin lahaa dhalinta, laguna boorin lahaa Waxa ay Waddanimo tahay iyo qiimaha ay ku fadhido Nabada, Inkastoo ay jiraan Ururo udhaq dhaqaqo Arimaha wacyi galinta dhalinta, Balse dadaalkaas ayaa ladhihi karaa ma gaarsisana Heerkii loo bahnaa,

Teeda kale maxaa loo wayey dhalin Wadaniyiin ah oo lamid ah kuwii SYL, maxaane guud ahaan dhalinta somaliyeed ay ufahmi la’yihiin Halka dhibatada kajirto, dhamaan su’aalahaas ayaa hada waxa ay yihiin kuwaa aan jawaab sax ah loo helin, somaalida ayaa waxaa ay ku maah mahdaa “Geela weyn meshuu maro ayuu kan yarne maraa” waxaane iska cad in dhalintii Hogaamin lahaa somaaliya mustaqbalka, Ay qaadeyn wadadii ay Horey umareyn Madaxdii Dalka, Taasi oo sababtay Xaalka xun ee Dalka kusugan yahay mantadaan aynu joodno , Hadii aysan dhalinta somaliyeed Wax Kabadalin Fakirkooda, Aysan utafa Xeydan sidii loo bad baadin lahaa Macaga Ummada somaliyeed, Waxaa soo dag dagi doonto in Magaca somaaliya laga waayo Qariirada aduunka, Maah maah somaliyeed ayaa waxaa ay aheyd “ Hadii adan tashan Waa laguu talin”. Hadii Lawaayo Dhalinyaro somaliyeed oo xil iska saarto Dhisida Qaranka somaliyeed, Waxaa somaliya utalin doono quwado shisheeye, Taasi Waxaa ay sharaf dhac utahay Magaca Barbaarta somaliyeed.

Gunta iyo Gunaanadka, dhamaan dhalinta somaliyeed Waa in ay maanka ku hayaan Had iyo jeerba, in mustaqbalka somaaliya uu gacmahooda kujiro, loogane bahan yahay in ay badbaadiyan, soona celiyaan Magacii somaaliya aay lahaan jirtey, iskane ilaaliyaan Magaca Qabiil, Waayo Qaran iyo Qabiil Waa labo Magac oon isqaadan Karin, Waxa ay ku midoowane ay noqoto Qaran somaaliyeed iyo Wax uqabadka Umada somaliyeed iyo soo celinta Magacii lumay ee somaliya, had iyo jeerne ey quluubta ku hayaan Cabsida ALLAH, Hadii intaasi dhalinta somaliyeed ay si ficil ah usameeyaan Waxaa marag madoonto ah, in Xal looheli doono Dhibaatada Gaamurtay ee somaliya Kajirtay Ku dhawaad 20-sano.

W/D:Mohamed Hussien Abdirahman(Kalafoge)

Email:pakistaanfc@hotmail.com

Tell:+923233376558

University Of Karachi
Karachi-Pakistan