Damiir Xumo!

Saturday, October 3, 2009

WFP oo Raashin Gargaar ah gaarsiisay Degmooyinka G/haareey iyo Buurdhuubo.

Iyadoo ay abaarta ka jirta Gobalka Gedo ay kasii darayso marba-marka dambaysa ayaa Barnaamijka Cuntada Aduunka ee WFP wuxuu maanta markii ugu horeysay ka bilaabay howl cuno gargaar ah loogu qaybinayo kumanaan qays oo kunool deegaano ka tirsan degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo oo ay waxyeelo ba’an ka soo gaartay abaaraha ba’an ee imanka ka taagan Gobalka Gedo.

Gargaar midkan la mid ah ayaa maalmihii la soo dhaafay Hay’adaha CARE International iyo ICRC waxay ka qaybiyeen degmooyinka Luuq, Baladxaawo, Dooloow, Ceelwaaq iyo Baardheere oo xiligan ay ka jiraan abaaro kulul oo saameeyay nolosha dadka iyo Xoolaha.

Gargaarka Raashinka ah ee Hay’ada WFP ay ka bilowday Degmooyinka G/haareey, Buurdhuubo iyo Deegaanada ku xeeran ayaa wuxuu isugu jiraa Masago, Saliid iyo Digir, iyadoo la sheegay inuu gaarayo raashinkaasi 600 MT.

Gargaarkan oo oo kii ugu horeeyay oo ay helaan dadka kunool deegaanadaasi mudo ku dhaw 5 sano ayaa wuxuu ku soo beegmay xili Gobalka ay ka jiraan duruufo adag oo nololeed, waxaana la filayaa inuu wax ka tari doono nolosha qaybo ka mid ah dadka kunool deegaanadaasi oo in mudo ahba aan helin wax gargaar ah.

By:keynan

G/hareey,gedo