Damiir Xumo!

Wednesday, August 26, 2009

Taariikhda magaalada Baardheere.

Horudhac

Taariikhdu waa tusmada noolasha. Cilmiga lagu garto ummadihii hore waxa ay ahaayeen iyo waxa ay soo qabteen. Waxaa noo soo gudbiyey halgan dheerna u soo galey dad qoraayaal ah oo kala soo kulmey dhibaatooyin badan. Taariikhdu waxay na bartaa waxyaabihii soo dhacay sida horumarka, dagaallada, ilbaxnimada, akhlaaqda, caadooyinka iyo sababaha ummadaha ay hormaraan amaba waxa dib-u-dhaca u keena. Taariikhdu waxay kaloo na bartaa culimmada waaweyn ee ku xeeldheeraadey diinta iyo culuunta kala duwan sida adabka, siyaasadda, fanka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen deegaannada bulsha walba.

Soomaaliya waxay nasiibdarro ka mid noqotey waddamadii la gummeystey laga bilaabo bilowgii qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960 ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen. Gumeysiga imanshihiisa ka hor waxaa Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah ka jirey nidaamyo iyo is-maamul ay dadka Soomaaliyeed sameysteen raallina ka ahaayeen, deris-wanaagna uu ka dhexeeyay beelaha wada dega goob walba oo uu is-maamul ka jirey. Badiyaa Soomaalida oo dhaqan miyi u badnaa, waa hab nololeedka uu caalamka intiisa badan uu ku sugnaa, waxaa ka jirey hab kala dambeyn iyo is-ciseyn oo garta guud iyo xeerarka kala dejiya shakhsiyaadka iyo deegaannada waxaa goyn jirey gun ama guurti ay beesha go'aankeeda ku kalsooneyd.

Geyiga Soomaaliyeed koonfur ilaa waqooyi waxaa ka jirey garyaqaanno iyo qareenno doodda ku soo af jara geed hoostiis. Nidaamkii gumeysiga markii uu soo gaarey dalka Soomaaliya wuxuu ugu horeyn burburiyey nidaamyadaas jirey. Wuxuu qasey miisaankii iyo deganaashihiisii isagoo adeegsanaya fekredda ah: "qeybi oo xukun." Wixuu gumeystuhu, magac ahaan Talyaani iyo Ingiriis si aad isugu deyey in uu tirtiro raad taariikheedka dalka somaliya uu lahaa iyo in uu baabi'yo isla markaana duugo meelaha magaca iyo sharafta leh ee dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaa ayaandarro noqotey iyana in aqoonyahanka Soomaaliyeed qaarkii waqtiyadii xigey lagu barbaariyey falsafaddaas, taas oo keentey daneyn la'aan taariikhda Soomaaliyeed waqtigii gumeysiga iyo maamulladii ka dambeeyey. Waxay hal-ku-dheg ka dhigteen wixii uu gumeysiga ka qorey Soomaaliya. Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay taariikh dhaxalgal ah, halgamayaal fara badan oo dunida caan ku ah isla markaana u soo hurey naf, maskax iyo maal. Kuwaas oo ka qeyb qaatey dhisidda iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa loo baahanyahay taariikhdaasna na bareysa garashada noloshii hore ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed in la darso kitaabtana lagu qoro ardeydana ay doortaan iney qoraalkooda qalin jebin baaris ku saameeyaan mowduucaas.

Noolasha qofka waa mid aad u gaaban marka loo fiiriyo taxanaha noolasha aadamiga ay soo martey sida bilowga miro aruursigii, ugaarsatadii, dhulgoosigii iyo degaanka beeraleyda iyo warshadeyntii si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loona allifo aalado cusub oo nolosha saacida.

Taariikhda magaalada Baardheere waa qeyb muhim ah ee taariikhda aan soo xusney ee Soomaaliya. Taariikhahaas waaweyn haddii la ururin lahaa si qoraal taxane ah, waxay aad wax uga tari lahayd kordhinta garaadka ummmadda.

Qormadan oo ku saabsan taariikhda Baardheere, beled iyo jameeco ahaanba, waxaan ka arkeynna in ay lehayd xukuumad iyo nidaam suurtaggeliyey in horumar la gaaro muddo dheer ka hor inta uusan imaan gumeysiga dhulkeenna. Taas oo iyana na tuseysa in ummadda Soomaaliyeed ay lahayd nidaam is-maamul oo xor ah oo ay dadka ka qeybqaataan. Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn ee ka sameysmey gudaha dhulka Soomaaliya, isla markaana lahaa maamul xor ah oo iyada u gooni ah. Waxay ka tirsaneyd gobolkii loo yaqiiney Jubbada sare [ Alta Jubba] intii ay jireen maamulkii gumeysiga iyo dawladdii rayidka ee ka dambeysey.

Waxay ka mid noqotey gobolkii jubada dhexe muddo gaaban, markii xukuumadii militeriga abuurtey gobolo hor leh. Ka dib gobolka Gedo oo isbixin waayey dhaqaale ahaan ayaa lagu kabey. Halkaas ayeyna ka tirsanayd ilaa maamulki militeriga ka burburey.

Magaalada Baardhere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Somaliya ugu horreeyey, uguna faca weyn oo laga aasaasey meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Somaliya. Waxay u jirta xeebta Barawe qiyaas dhan 250 km. Juqraafi ahaan Bardhere waxay ku taala inta u dhexeysa 2-3° woqooyi dhulbaraha (lool=latitude) iyo 42-43° (Dhigaha=longtitude). Cimiladeeda waa mid aad u kulul, taas oo u sahlineysa in saanadka oo idil beeraha laga faaideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha.

Nasiib darro biyaha oo dhulka ka hooseeya awgeed waxaa adag soo saarka biyaha waraabka beeraha marka aan la isticmalynin matoorka biyaha. Bardhere waxay aad ugu hormarsantahay tacabka beeraha noocyadiisa kala duwan. Beeraha roobka oo laga soo saaro dalagyada intooda badan waa lafdhabarka dhaqaalaha. Waxay si gaar ah ugu caanbaxdey sannadihii dambe basasha iyo tubaakada oo loo iibgeyo gudaha iyo dibedda Somaliya.

Magaalada aasaaskeed wuxuu ahaa baar weyn oo ku yaaley masjidka weyn. Magaca Baardhere wuxuu ka soo jeedaa laba erey oo kala ah baar iyo dheer. Baar waa geed inta badan ka baxa webiyada hareerahooda (magaca laatiinka waa Hyphaene). Baar wuxuu leeyahay manaafacaad badan. Wuxuu dhalaa miro loo yaqaano "khoono". Khoonada waxay ka koobantahay laf hoose, duf dhexe iyo xuub kore. Marka ay cayriinka tahay waa cagaar, marka ay bislaatana waxay leedahay midab dhiiga.

Khoonada xuubkeeda kore iyo dufka dhexe waa la cunnaa. Waxay leedahay dhadhamo kala duwan sida macaan, qaraar, dhadhanlaaw waxayna ku xirantahay nooca geedka iyo inta geedka webiga u jiro. Lafta hoose (sedka) ku jira waxaa loogu xardhaa xoolaha. Geedka baarka wuxuu bixiyaa laamo iyo caleemo. Dhammaana waxaa lagu dhistaa guryaha. Caleenta dusha ayaa laga saara, xajmigana waxaa laga dhigtaa tiir. Tiirarka baarka oo dhowr ah ayaa inta la isku xiro loo isticmaali jirey in lagaga gudbo webiga laguna rarto alaabta sida doonta, gaar ahaan dhismaha guryahay, waxaana loo yaqaaney Sablo.

Bilowgii lixdanaadkii waxaa fidey ku xadgudub iyo isticmaal xumo. Geedka baarka xajmigiisa iyo laamihiisa marka la xoqo waxaa ka soo baxa dheecaan u eg midabka caanaha oo dhadhankooda macyahay marka ay cusubyihiin. Caanaha baarka waxaa loo yaqaana shalabow, waxayna socodsiiyaan sida la sheego caloosha haddii la cabo marka ay macyihiin. Marka caanahaas meel la dhigo in muddo ah dhadhankooda wuu isbedela, waana lagu sakhraama sida khamrada oo kale.

Ujeedada loo aasaasey magaalada Baardhere waxay ahayd in ay noqoto gole diinta islaamka looga dhaqmo isla markaasna dadka loogu yeero lku dhaqanka iyo fidinta islaamka. Magaalada waxaa la aasaasey laba qarni ka badan muddo laga joogo. Taariikhdu waxay ahayd 1761 sannadka miilaadiyada. Diinta islaamka mar hore ayey soo gaartey Somaliya, gaar ahaan xeebaha dalka laakiin xoog saameyn ah ma lahayn oo waxaa ka xoog badnaa dhaqannadii diinlaawaha ka harey. Waxaa jirey dhaqamo fusuq ah. Wadaado badan ayaa isku howliyey, dadaalna u galey in ay wax ka beddelaan. Qaarkood ayaa xitaa la qaadey durbaanka si ay u soo jiidtaan.

Waxaase iyana jirey wadaado iyana ku tashadey in ay ka fogaadaan oo isaga haajiraan mar haddii ay wax ka qabanwaayeen. Arrintan waxay rasmi ahaan ugu qornayd oo laga akhriyey kitaab uu qorey Sheikh Cabdiyow “Khitamma bil khayr“, waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa “mar haddii aadan fusuq wax ka qaban karin, Illah wuxuu ku amraya in aad isaga haajirtid“. Arrintaas waxay qabsatey culimo badan oo ka guurey xeebaha, gaarsiiyey diinta islaamka gudaha dalka Somaliya. Culimadaas waxaa ka mid ahaa:

1. Sh. Ibrahim Hassan Yabarow -7 days-1190H (1776)

2. Sheikh Ali Dhurre -30 yrs-1220H 1805

3. Sheikh Abukar Adam Dhurre -24 yrs-1244H (1825)4. Sheikh Abdulrahman Abayl -7 yrs-1251H

The Jameca of Bardere was burned down in 1831 due to war with Geledi sultanate.

It was suspended for 20 years and was restablished in 11851 -20 yrs-1271H (1855)

5. Sheikh Mohamed Adam Kerow -24 yrs-1295H (1878)

6. Sheikh A/rahman Moh´d Adan -2 yrs -1297H (1880)

7. Sheikh Abdiyow Osmanow -25 yrs-1322H (1904)

8. Sheikh Ibrahim Mohamed Adan -4 yrs-1326H (1908)

9. Sheikh Ali Moallin Muddey -33 yrs-1359H (1940)

10. Sheikh Axmed Sh Maxamed -30 yrs-1379H (195)

11. Hagi A/ziz Sh. Ali Moallin -8 yrs-1387H (1987)

12. Sheikh Mursal Malin Aliyow-25 yrs-1412H (1992)

Hogaamiyihii Jameecada sheekh Mursal waxaa la diley 17kii December 1992 abaaraha 21:20SN waqgiga Bariga Africa. Waxaa diley maleeshiyo maalmo ka hore inta aysan imaan ciidamadii U.N.

Dadka waxay in badan ku eedeeyaan Jameecada dib u socodnimo, jaahilnimo xaga diinta iyagoo hadana in badan xubnaha Jameecada ay diin u nasab sheegtaan. Waxaa intaas dheer in ay goobaha ganacsiga si khaldan deeq u waydiistaan noloshoodana ku soo koobeen dhaqaale raadis aan hunguri iyo hoy dhaafsiisney.

Xubnaha Jameecada badankii waxay ka yimaadaan miyiga nawaaxiga degmada Baardheere iyo dhulka jiinka ee beeraleyda.

13. Sheikh Hirow Moallin Ahmed - ayaa hogaanka Jameecada haya ilaa 1992 - waqti xaadirkant.

1 comment:

Bashir Ibrahim Adan said...

wan so dhoweynayaa sida wanagsan oo taariikhda Bardhere

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!