Damiir Xumo!

Tuesday, August 19, 2014

SAWIRO: Cabudwaaq oo laga soo dhaweeyey magacaabista degmada Saaxo!

Waxaa magaallada Cabudwaaq qeyb ka mid ah laga dareemay farxad iyo damaashaad lagu soo dhaweynayo magacaabista degmada cusub ee Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug ee Puntland. Waxaana wareegta lagu magacaabayo soo saaray Madaxweynaha Puntland Dr, Abdiweli Gaas. Munaasabad lagu muujinayo soo dhaweynta magacaabistaasi ayaa waxaa isugu yimid dadweyne fara badan oo isugu jira odayaal, waxgarad, aqoonyahano, haween iyo dhallinyarada kuwaasi oo dhalasho wadaag la ah dadka deggan degmada cusub ee lagu biiriyey maamul goboleedka Puntland. ” Waxaan soo dhaweyneynaa wareegtada madaxweynaha Puntland uu degmada uga dhigay Saaxo ” ayaa lagu yiri mid ka mid ah boorarka lagu soo bandhigay xafladaasi. Waxaana sidoo kale dadkaasi meesha isugu yimid ay soo xirteen dhar laga soo sameeyey midabka calanka Puntland, iyagoon kor u haya sawirka Madaxweynaha Puntland ee Abdiweli Gaas. Dhinaca kale magaalada dhexdeeda ayaa waxaa ka socday dareemi lagu muujinayo in dadka Caabudwaaq deggan ay la dhacsan yihiin degmadaasi cusub. Wasiiru-dowladaha madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland Bashiir Xaaji Gurxan oo kasoo jeeda meesha maanta degmada loo magacaabay ayaa sidoo kale ka mid ah dadka kasoo jeeda isla degmada Cabudwaaq. Waxaana uu yahay maskaxda ka danbeysa in maanta meeshaasi loo aqoonsado degmo cusub oo ka tirsan gobollada Puntland. Dhinaca kale dowlada Puntland ayaa waxaa ay arrintan ka wadaa siyaasad ay ku dooneyso inay beesha SADE ee deggan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug ay ku qanciso inay kusoo biiraan Puntland, islamarkaana ay ka hor yimaadaan ka mid noqoshada maamulka gobollada dhexe loo wado. Haddaba halkan hoose ka fiirso sawirada munaasabada lagu soo dhaweeyey degmonimada Saaxo ee gobolka Mudug qeybta Puntland: F.G:- Xaquuqda Qoraalkan waxaa iska leh- wwww.kismaayo24.com