Damiir Xumo!

Wednesday, August 26, 2009

Warbixin ku saabsan xaalada waxbarasho Dugsiga Buurdhubo Primary School oo dhowaan dhismo Cusub iyo Qalabeynba lagu sameeyey.

Degmada Buurdhuubo oo ka mid ah degmooyinka Gobolkaa Gedo oo ahayd meelaha ugu daran ee Gobolka xaga waxbarashada ka liitay ayaa haatan waxay degmadu u muuqanaysaa mid ka soo reynayso xaaladahii hore, kaddib markii mudo iminka laga joogo labo bilood uu u hawlgalay dhismaha Iskuulka iyo qalabka waxbarasha Urur Samafal Wadani ah oo lagu magacaabo Gedo Education And Development Organization (G.E.D.O) oo uu fadhigiisu yahay dalka dibadiisa.

Dhismaha Iskuulkan oo markii hore ahaa dersooyin aan wax roob ah celinaynin oo aan u ekayn goob wax lagu baran karo ayada oo kuraasta lagu fadhiisto iyo miisaska oo ahaa 15 xabo aanay u habeysneyn kuwa wax lagu baran karo. Ardeyda waxay kuraas ahaan ugu fadhiisan jireen dhagxaan, Biibab iyo dhulka ayaa haatan waxaa loo dhamaystitry dhismo ka kooban ilaa 3 qol iyo kuraas iyo Miisas ku filan 3 Qol.

Maamulaha Iskuulka Buurdhuubo Primary School.Cabdi Xaaji Maxamed ayaa ku amaanay Ururka Gedo Education And Development Organization (G.E.D.O) talaabooyinka wanaagsan oo ay u qaadeen xaga waxbarashada Buurdhuubo, taasi oo uu sheegay in ay tahay mid aan marnaba la ilaawi karin iyo dadkii ay gacanta kaga heleen taabegilinta dhismaha Dugsigan iyo Qalabeyntiisa.

Maamulaha ayaa sheegay in Dugsiga la aas'aasey sanadkii1993-diii, ardeyduna waxay ku kala jiraan fasalada 1-aad ilaa 8-aad, tirada guud ee sanad dugsiyeedkani fadhida dugsiga ayuu sheegay inay gaarayaan 298 arday oo isugu jira 153 gabdhood iyo 145 wiilal, isagoo intaasina ku darey in weli is qorista ardeyduna ay socoto.

Dugsigu ma lahan ayuu yiri hadda Musqulo, maadama ardeydu ay badan tahay. Waxaa sidoo kale ka maqan Iskuulka Gidaar wareeg ah iyo Xafiiskii Maamuulka iyo macalimiintu ay shaqadu ku wadi lahayeen, sidaas darted ayaan mar kale waxaan ku celinayaa ayuu yiri maamulahu codsi ku aadan in waxii la awoodo arimahaasi wax nalooga qabto, maadama hadda ay hirgashey howshii ugu muhiimsaneyd.

Hoos ka eeg masawirada Ardayda, Gudoomiyaha Iskuulka, maamulaha iyo kan Ardaydaba:-

Guddoomiyaha Iskuulka Buurdhuubo Primary School
(Mrs. Kaaho Isaaq Faarax)

Maamulaha Iskuulka Burdhubo Primary School
( Mr.
Cabdi xaaji Maxamed)

Masawirka hoose - waa Bare Guure Kadaan oo oo sharxaya Alfaabeetka Ingiriiska
(English Alphabets)

Masawirka hoose - waa lixda macalin iyo maamulaha Iskuulka Burdhubo Primary School oo wada taagan

Muuuqaalka guud ee Iskuulka Burdhubo Primary School, kan ardayda, kan qolalka iyo kan fasalada ay wax ku bartaan waa kuwaan hoose:-

Waxaa Warbixintan soo diyariyey:
Nuradiin Sheeq Axmed
Gobalka Gedo
Burdhuubo.
Nuradiin22@yahoo.com

No comments:

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!