Damiir Xumo!

Thursday, October 29, 2009

Algeria oo Ku Howlan Dhismaha Masjidka Sadaxaad Ee Ugu Weyn Aduunka.

Arbacadii Dhaweeyd aynu soo dhaafney ayaa waxaa Dowlada Dalka Algeria Shaaca Kaqaadey Dhismaha Masjidka uguweyn Dalkaasi, Islamarkaana noqon doono masjidka Sadaxaad ee uguweyn Aduunka markii laga reebo Labada Masjid ee Barakeysan Mecca iyo madina Ee Kuyaala Boqortooyada Sucuudiga.

Shirkadaha Kuloolamaayo dhismaha Masjidkaan Ayaa shirkadii ku Guguuleysato Qandaraaska dhismaha masjidka waxa ay Qaadan doontaa Lacag Lagu qiyaasay Hal Biliyan Oo ah Lacagta Urowga oo udhiganta ($1.48 billion) Hal dhibic Fartan iyo Sedeyd bilyan oo ah lacagta wadankaasi mareykanka, Shaqaalaha kashaqeyn doono dhismaha Masjidkaan ayaa waxaa lagu qiyaasay in kabadan 2,000 Oo Iskugu jiro Engineero ,Shaqaalaha dhismaha oo Ka koob nandoona farsamo yaqaano iyo sidoo kale Shaqaalaha xafiisyada Shaqada laga hagidoono.

Masjidkaan ayaa waxaa lagu qiyaasey dhulka uu kufadhiisan doono 20 hectares (49 acres) Waxa uu na kuyalaa Kalbeedka caasimada wadankaasi ee Algiers .

Howlka weeyn ee salaada ayaa waxaa uu qaadi doonaa kudhawaad 36,000 qof, sidoo kale waxaa Dhismahaas qeyb kanoqon doono Xarun loogu talagaley Shirarka iyo Falanqeynta masa’isha Diiniga ah,qeybta Kitaabada Lagu raacdo oo aad uweyn sidoo kale,Maktabad Qiyaas ahaan Qaadi karta 2,0000 Oo qof,Oo Halmar kawada daalacan kara Kutubta Nocyadooda kala duwan, Sidoo kale waxaa ku dhaxyaalo masjidka Madaraso Loogu talagaley in lagu barto Quran kariinka , iyo Qeyb Dhulka hoostiisa ah loo qabeyey In ladhigto Babuurta, Xaruntaasi Babuurta ladhigto ayaa waxaa ay qaadi kartaa kudhawaad 6,000 oo babuur ah iskuguna jira babuurta yar yar iyo kuwa waa weyn.

Wadanka Algeria ayaa waxa uu horey ulahaa Sadax masjid oo taariqi ah Kuwaasi oo kala ah masjidka lagu magacaabo Djamaa el-Djedid,Masjidkaan ayaa waxaa la aaminsan yahay in ladhisey sanadkii 1660-kii masjidka labaad ayaa waxaa lagu magacaabaa Djamaa el-Kebir, waxana ladhisey Qarnigii 11-aad,

Masjidka sadaxaad ayaa waxaa uu magaciisu yahay CASBAH kaasi oo lagu magac darey magalada uu kuyaal ee Casbah,Waxaana dhisey Dowlada Turkiga Sanadkii 1749.Magaca masjidka ayaa Xukunkii Gumeeystihii dalkaasi ee faransiiska waxa uu ubadalay Cathadral Intii udhaxeesay sanadyadii 1830-1962.waxa Masjidka gacan kuheyntisa lawareeygey Islamka Kadib Markii wadankaasi uu Xoriyadiisa Sibuuxda uga qaatey Wadanka Faransiiska.

FIIRO GAAR Ah: Warkaan waxaan ka soo Xigtey shabakada wararka ee Al-arabiya.net

Waxaa Soo turjumey Mohamed Hussien abdirahman (kalafoge)

mohaKalafoge@yahoo.com

No comments:

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!