Damiir Xumo!

Friday, August 28, 2009

Dhaqaalaha Africa

Bangiga aduunka ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray ku sheegay in wadamo badan oo ka tirsan qaarada Africa uu dhaqaalahooda kobcayo, taasi oo u suurto galinayso qaarada inay cirib tirto saboolnimada.

Warbixintan cusub ayaa sheegeysa in Africa ay diiwaan gelisay kubuc 5.4 boqolkiiba tobankii sano ee la soo dhaafay, lakiin hadii la barbar dhigo aduunka taasi wali ay aad u hooseyso.

Bangigu waxa uu sheegay in Africa dhaqaale badan uu ka soo galay badeecooyinka ay dhoofiso, gaar ahaan todobada wadan ee shidaalka dhoofiya, kuwaasi oo ay ku nool yihiin rubuc in ka badan guud ahaan dadka qaarada marka la isku geeyo.

Bangigu waxa uu warbixintiisa ku xusay in arrimaha ay ugu wacan yihiin is bedelka iyo horumarka xagga siyaasada dhaqaalaha ay ka sameeyeen qaar ka mid ah wadamada qaarada Africa, kuwaasi oo sicir bararka iyo dhaqaalaha dawladahooda xakameeyay.

Warbixintu waxa ay dhinaca kale ka digtay in horumarka dhaqaalaha Africa uu wali yahay mid jilicsan, taasi oo dhibaato u geysanaysa maal gelinta lagu sameyn lahaa.

Bangigu celcelis ahaan waxa uu sheegay in dhaqaalaha Africa uu hooseeyo 7%, loona baahan yahay in la sii wado barnaamijka la dagaalanka saboolnimada.

By:Mohamed Hussien

qaldaan33@yahoo.in