Damiir Xumo!

Thursday, August 27, 2009

Khal-khalka dhaqaalaha aduunka iyo saameyntiisa

Hordhac

Dhaqaalaha aduunka ayaa gebi ahaanba hadda ku sugan xaalad aad iyo aad u adag. Hoos u dhaca dhaqaale ee aduunka soo foodsaaray waa mid saameyn toos ah ku yeeshay wadamada dunida iyo dadka ku dhaqanba. Dhaqaaleyahanada aduunka intooda badan waxaa ay isku raaceen in khal-khalkan dhaqaale ee aduunka soo foodsaaray uu yahay kii ugu xumaa ee dhaca intii ka dameysey dagaalkii labaad ee aduunka. Maadaama maanta aduunka oo dhami isku xiran yahay ma jiri doono wadan ka badbaadaya saameynta uu keenayo dhaqaalahaas xumaaday.

Wadamada qaniga ah ee wershedaha leh iyo kuwa saboolka ahba siyaabo kala duwan ayey u dareemi doonaan hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunidu hadda la ciirsan tahay. Haddaba dhowr qormo oo taxane ah ayaan ku eegi doonaa arimaha keenay dhaqaale xumada iyo sida uu qof ahaan kuu saameyn doono.

Maxaa sababay hoos u dhaca dhaqaalaha

Wadanka mareykanka ayaa ah matoorka dhaqaalaha aduunka. Haddii uu matoorkaasi fariisto ama ay cilladi ku timaado ayaa waxaa si toos ah looga dareemayaa aduunka intiisa kale.Mareykanka waxaa ka jira suuq leh qeybo kala duwan oo aad u weyn, haddii ay ahaan lahayd dhinaca suuqyada lacagta,badeecada ama suuqa saamiyadaba. Mareykanka ayaa waxaa uu waxyaalo badan kasoo gataa wadamada dibada ah. Waxyaalaha uu soo iibsado mareykanka ayaa aad uga badan waxyaalaha uu dibada u dhoofiyo. Wadamada ku jira ururka midowga yurub iyo kuwa firfircoon ee qaarada aasiya sida shiinaha oo kale ayaa dhamaan wax u dhoofiya wadanka mareykanka. Lacagta mareykanka ee dollarka oo ah lacagta ganacsiga aduunka ayaa iyana waxaa ay dalkaas ka dhigeysaa mid saameyn weyn ku leh aduunka intiisa kale. Lacago badan oo ka kala yimid aduunka daafihiisa kala duwan ayaa lagu keydsadaa bangiyada wadanka mareykanka. Lacagtaas waxaa keydsada dowlado iyo weliba shakhsiyaad kala duwan. Taasi waxaa ay dhalineysaa in khal-khal kasta oo ku yimaada suuqyada lacagaha iyo bangiyada ee mareykanka ay si toos ah u saameyneyso aduunka intiisa badan. Tusaale ahaan wadanka shiinaha oo loogu yeero “ awooda dhaqaalaha cusub” oo dad badani ay moodayeen in saameyn sidaas ah aaney ku yeelan doonin jahwareerka dhaqaalaha ayaa noqotay mid aan run ahayn. Maxaa yeelay shiinuhu waxaa uu alaabo aad u tira badan u iibgeeyaa wadanka mareykanka taas oo keeneysa in hoos u dhaca dhaqaale ee mareykanka si toos ah looga dareemo suuqyada wadanka shiinaha.

Haddaba khal-khalka dhaqaale ee iminka taagani waxaa u ka soo bilaamay wadanka mareykanka, gaar ahaan qaybaha bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay.

Dadka mareykanka u dhashay waxaa ay isla xiriiriyaan xornimada qofka iyo lahaanshaha waxyaalaha ay ka mid yihiin guryaha iyo gawaaarida. Qofku waxaa uu aad u dareemaa xornimo iyo kalsooni kolka uu degan yahay guri uu isagu iska leeyahay. Haddaba sanadihii lasoo dhaafay waxaa ay dadka mareykanka ahi iibsadeen guryo aad iyo aad u tira badan. Guryahaas waxaa lagu iibsaday deyn xagga bangiga ka timid. Dadka guryaha deynsadey ayaa qaarkood waxaa ay ahaayeen kuwo dhaqaalahoodu uu iska xumaa. Dadkaas qaarkood ma aaney haysan wax raasumaal ah oo loo baxsado haddii dhaqaaluhu xumaado. Bagiyadii waxaa ka baxay lacag aad iyo aad u badan oo badankood la geliyey guryo.

Arrintaasi waxaa ay keentay jahwareer ku yimid habasami u socodkii lacaga yaala bangiyada. Waxaa ay taasi keentay hoos u dhac ku yimid qiimihii guryaha deynta lagu qaatay. Waxaa lacagta bangiyada ka baxday iyana lug ku leh lacag aad u tira badan oo ay mushahar iyo abaal marin u qaateen madaxda bangiyada. Waxaa kaloo arinta baasiin kusii shubay hoos u dhac dhaqaale ee guud oo aduunka oo dhan soo foodsaaray. Lacagahaan bangiga ka maqan waxaa markoodii hore lahaa dad ama bangiyada kale ee dowlada, kuwaas oo iyana doonaayaa in lacagtooda la siiyo. Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee ay mushkilada dhaqaaluhu ka bilaamay waxaa ay goĆ ansadeen in ay gebi ahaanba joojiyaan lacagihii ay dadka deymin jireen. Bangiyadaas oo ka cabsi qaba in waxa yar ee lacagta ah ee ay hayaan la waayo. Cabsida bangiyada soo wajahday iyo joojinta dhaq-dhaqaaqa lacagaha ayaa waxaa ay xanibaad ku noqotay habsami u socodkii howlaha dhaqaalaha wadanka mareykanka iyo weliba aduunka intiisa kale. Si dhaqaalaha loo badbaadiyo, lacaguhuna ay ugu socdaan sidii loogu talo galay ayaa waxaa ay dowlada mareykanku dooneysaa in lacag badan ku maalgeliso bangiyada kacay si aan bangiyadaa irdaha loogu laabin. Joojinta ay bangiyadu joojiyeen bixinta iyo daynta lacagaha ayaa waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay suuqyada kala duwan ee mareykanka.

Tusaale ahaan shirkadihii ma sameyn karaan maalgelin maadaama aaney heleynin meel ay lacag ka deynsadaan. Waxaa kaloo wel wel weyn soo foodsaaray dad weynaha mareykanka oo aad uga caga jiidaaya iney bangiyada lacag dhigtaan iyagoo ka cabsi qabo iney lacagtooda waayaan. Arinkaas cakiran ee dhaqaalaha ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay, shaqooyinkii, maalgelintii, ganacsiga, caafimaadka , siyaasada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha.

La soco, faahfaahinta saameyntaas hoos u dhaca dhaqaaluhu ku yeelan karto wadamo badan oo soomaaliya ka mid tahay. Ha moogaan qaybta labaad ee qormadan.

Mahadsanidin

By:Mohamed Hussein

Email:qaldaan33@yahoo.in

No comments:

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!