Damiir Xumo!

Friday, September 5, 2014

XAGEE KU DANBEEYSAY SHARAFTII SOOMAALIYA..?

Runtii waxa igu qasbay inaan su’ashaan idin weydiiyo ayaa waxay tahay, Markaan arkey dhacdooyin badan, sidoo kalane aan u soo joogay waqti igu filan oo aan ku fahmi karo dhibaatada dadka soomaaliyeed heysata.

Waxaan had iyo jeer maqalnaa in dadka soomaaliyeed ku dhibanyihiin qurbaha, dhibaato badane loogu geeysto waddama ku noolyihiin iyo sidoo kale meelaha aduunka ugu kala safraan.
Dhacdadii ugu danbeeysay ee shacab soomaaliyeed lagu bahdilo waxaay ka dhacday dalka Kenya, Dad aan waxbo galabsan oo sharciigii dalka heysta maalin cad loo sheegay in dalka iskaga baxaan.

Hadaba, Aniga shaqsi ahaan dhibaatadas bahdilaada ah ee lagu beegsado. waxay igu qabsatay waddan ka mid ah dalal aan ku sheegno inaan saxiibo nahay..!, waa dalka Uganda, dhacdadaan waxaay ugu dhacday sanadkii hore 2013.
Markii diyaaradii aan saarnaa soo caga dhigatay garoonka Entebbe ee magaalada Kampala u jira qiyaas ahaan 30KM, ayaa sida caadiga ah waxay dadka waxay u kala  baxeeyn qeybo kala duwan, Sida dadka dalka u dhashay oo saf wada gala, Dadka ka sooo jeeda wadamada la isku dhaho East African Community oo saf noqda iyo dadka u dhashay dalalka ee caalamka oo Soomaaliya ka mid tahay meel qura saf ka gala.

Qof waliba marka laga reebo dadka dalka u dhashay waxuu horay kasoo qaatay warqada VISA-ha lagu dalbado, Isla markaane kusoo qoray dhamaan waxii macluumad ah ee laga doonayey, waxaa loo soo dhaqaaqay dhakaas iyo sargaalka qaabilsan socdaalka iyadoo saf dheer lagu jiro, qof walibane markiisa sugaya inuu dhiibto Passport-kiisa iyo warqada VISA-ha oo isla socda.

Hadaba waxa la soo garaay xiligi aan dhibaan lahaa Passport-keyga iyo warqada Visa-ha, Markii aan is dultaagay Sargaalkii qeyba socdaalka qaabilsanaa oo aan u dhiibay intaan kor kusoo sheegay ayaan waxaan kala kulmay runtii soo dhaweeyn ka duwan qaabkii dadkii iga horeey ee cadaanka iyo madoowga lahaa loo soo dhaweeyey, waxaan halkaas ka dareemay in dhamaan dadka kale ee aan safka ku wada jirnay dhamaan si wanaagsan loo soo dhaweeyey. isla markaane howshodii loo fududeeyey, sababtoo ayadoo lagu ixtiraamayo dowladaha dalkooda oo heerkaas gaarsiiyey in dadkooda sidaas loola dhaqmo.

Sargaalkii waxuu si xanaaq ku dheehantahay u fiirshay Passporkeygii iyo meshaan ka imaaday, waxuu igu dhahay maxaad ka qabaneeysay Pakistaan oo ah meshaan ka imaaday? waxaan u sheegay inaan arday ahay, waxyar ka dib sargaalkii waxuu iisheegay in dadka soomaalida ah qol yar oo meel udhaw ku yaalay soo maraan marka hore, anigane halkaas aan iska xaadiriyo.

Markii aan isku dayey inaad weeydiyo sababta aan aniga halkaas u tagayo, isla markaana dadka kale meshaan oo kaliya usoo marayaan, waxuu igu dhahay hadii aadan meshaas tagi waxaad weeyni doontaa inaad hesho visa-ha dalka aad ku gali laheyd.
 
Lasoco Qeybta 2-aad.
 
W/Q: Mohamed Kalafoge