Damiir Xumo!

Wednesday, February 3, 2010

3 Geel ah oo Lagu iibshay Lacag dhan $1.35 million.>>(Dhacdo La’yaab leh)‏

Dunidaan anu ku nool nahay waxaa malin walbo kadhaca waxyaabo Maskaxda aadamaha ka weyn ama horeyba usoo marin,

Dalka imaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhacday dhacdo ka yaabisey dadka ku nool halkaasi, Nin udhashay Wadankaas ayaa waxaa uu ku baayacay 3 neef oo geel ah, Lacag Lagu qiyaasay 24 million dirhams, oo udhiganta ($6.47 million) dollarka Wadanka Mareykanka.

Hadane taasi waxaa sii dheer, Mid kamid ah Sadaxdaas geela ah ayaa qiimahisa ku Kacayaa $2.72 million.

Munasabada lagu kala iibsaday Geela ayaa waxa lagu magacabaa( Dhafra Festival for Camels), Waxane ka soo qeyb galay mulkilayaasha ugu geela Badan Wadamada Khaliijka, Waxaane sidoo kale mid ahaa Marti sharaftii Xafladaasi lagu casuumay dad aad looga yaqaano Wadamada qaliijka.

Waxaa inta badan lashegaa, in dadka Wadamada Carabta ay yihiin dad siweyn ujecel Tartamada geela, Kuwaasi oo aminsan in ciyaaraha geela ka mid yihiin ciyaaro Qarameed & kuwa dhaqanka intaba.

Sidoo kale wadamada Khaliijka waxaa caadi ka ah tartamada loo qabto geela, sida ayagoo laga fiiriyo geela ugu canaha fiican iyo kuwa ugu hilibka wanagsan, Waxa sidoo kale tartamadaan kamid ah, Gabayada ugu wanagsan ee loo tiriyo ama lagu amaano geela.

Mohamed Hussien Kalafoge.

Xigasho:www.Alarabiya.com/english

1 comment:

Anonymous said...

layaaab badanaaa..

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!