Damiir Xumo!

Wednesday, October 13, 2010

Wasiirka waxbarashada ee Pakistan oo billad dahaba uu gudoonsiisay Arday Soomaali ah

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedkeeduna ahaa in billado lagu gudoonsiiyo arday tiradooda garayso 2389 (laba kun sadex boqol iyo sideetan iyo sagaal) oo 36 kamid ah ay hanteen billado dahab ah kana qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee Jamacada International Islamic University intii u dhaxaysay September 2008 ilaa August 2009 ayaa maalinimadii shalay ahayd ka dhacday xarunta shirarka ee Islamabad (Islamabad Convention centre).

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan dawlada Pakistan, safiiro, maamulka jamacada, shaqaalaha, ardayda iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay ayaa ku soo gabagabowday sidii loou tala galay.
Wasiirka waxbarashada ee dalkan Mudane Sardar Assef Ahmed Ali, madaxwaynaha jamacada Dr. Anwar Hussain Siddiqui, iyo madaxwayne ku xigeenada Mrs. Parveen Qadir Agha. Qaar kamid ah hormuudyada kulliyadaha kala duwan ee jamacada ayaa munaasabdan ka hadlay waxayna bogaadiyeen dulqaadka iyo dhabar adayga ay sameeyeen ardayda intii ay tacliintooda kusoo guda jireen.
Ardayda biladaha lagu gudoonsiiyay ayaa ka qalinjabiyay kulliyadaha Management Sciences, Basic and Applied Sciences, Shariah and Law, Islamic Economics, Social Sciences, Islamic Studies, Engineering and Technology, Arabic iyo Luqadaha.
Waxaa xaflada lagu gudoonsiiyay billad dahab ah (Gold medal) arday Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad salaad Muxumed kadib markii uu keenay dhibcaha ugu sareeya shahaadada loo yaqaan B.A ee shareecada iyo Qaanuunka..
Waxaa kaloo ka mid ahaa ardayda qalin jabisay sadex arday oo ayuguna soomali ah laguna kala magacaabo Zakariye Ismaaciil X. Nuur, Saleebaan Maxamed Maxamuud oo iyaga ka qalin jabiyay kuliyada shareecada iyo qaanuunka, iyo Jaamac Ciise oo isna ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha.
Gabagabadii xaflada waxaa billadaha ardaydan gudoonsiiyay Wasiirka Waxbarashada Sardar Assef. uu soo wakiishay madaxwaynaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari oo aan madasha soo xaadirin.
Ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed ( UGAS) ayaa sidoo kale hanbalyo u diray ardaydan kuna dhiiri galiyay inay sii wadaan tacliintooda si barri u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.
Taniyo markii dhidibada loo taagay jamacadan horaantii 1980kii waxaa ka qalin jabisay arday gaaraysa 17000 (todobo iyo toban kun) waxaana jamacada ka helay shahaadada Phd 46 arday. Xilligan jamacada waxaa dhigta arday kor u dhaafaysaa 18000 ( sideed iyo toban kun) oo ka kala yimid ilaa 56 dal.
Daawo sawirro kale:

No comments:

Post a Comment

Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!