Damiir Xumo!

Saturday, December 25, 2010

Monday, December 13, 2010

Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho

Markii Mike Spencer Bown uu ka soo degey diyaarad uu ku yimid Muqdisho toddobaadkan, islamarkaasna isku sheegay in uu yahay dalxiise, waxaa saraakiisha Soomaaliyeed ee socdaalku ka fekereen in ninkan reer Canada in uu waalan yahay ama Jaajuus yahay” Sidaas waxaa Axad Dec 12, 2010 qortay Jariidada Ottawa Citizen oo k asoo baxda Canada…

yadoo dagaalo iyo nabadgelyo daro ka jirto Magaalada Muqdisho isla markaana maalin walba ay ku dhimanayaan dad fara badan ayaa waxaa todobaadkii tegey dabayaaqadiisii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo degay nin u dhashay wadanka Canada, waxa uuna diyaarad ka soo raacay dalka Jabuuti iyadoo Fiisaha dal ku galka Somaaliya uu ka soo qaatay safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka Itoobiya.
Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Spencer Bown ayaa markii ka soo degay diyaaradda Jubba Airways ayaa waxaa markiiba gacanta ku dhigay ciidanka Nabad sugida ee waaxda socdaalka, waxaana la weydiiyey sababaha u soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay “Waxaan ahay dalxiise waxaa doonayaa magaalada Muqdisho waxayna ka mid tahay goobaha ii qorsheysnaa in aan ku dalxiiso, waayo waxaan soo maray 160 dal”, “waxaa uu intaasi sii raaciyey jadwalkii ii qorsheysnaa ii imaanshaha Muqdisho ma ahan mid aan ka laabanayo”.

Dhacdadaan la yaabka leh waxay si weyn fajiciso ugu abuurtay ciidamadii nabad sugida ee ku sugnaa Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in dib loogu celinayo Diyaaradda oo uusan gudaha u geli Karin Magaalada Muqdisho, balse ninkaan ayaa si weyn uga gilgishay waana uu diiday in uu dib ugu laabto diyaaradda, waxaase la damcay in xoog lagu saaro, hase yeeshee waa lagu guuleysan waayey in xoog lagu saaro diyaaraddii, waxaana markii dambe la soo jeediyey in ciidamada AMISOM gacanta loo geliyo oo ay hayaan mudo kooban, balse ciidamada AMISOM waa ay diideen waxayna sheegeen in aysan wax shaqo ah ku leheyn arrimaha noocaan oo kale ah.
Dood dheer iyo muran kadib ayaa waxaa markii dambe la go’aamiyey in loo yeero mid ka mid ah milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho, waxaana laga codsaday in uu mudo labo maalmood ah uu hayo ninkaasi sidaas ayaana loogu dhiibay ninkaasi.

N.B> Xuquuqda qoraalka Waxaa Is Kal Leh Somalitalk.Com