All rights reverved@ MAARAYNTA SHAQAALAHA & SHAQADA |
Buuggani waxuu ku saab sanyahay ama ka hadlayaa
“Maraaynta Shaqaalaha iyo Shaqada” ee Afka qalaad lagu yiraahdo. “ Human Resource Management”, Buugga ayaa si qoto dheer u sharxaya dhamaan
qodobadda ugu muhiiim ee aan isleeyahay waa in lagu hadlo waa daruuri, Waxaa
sidoo kale buuggan uu xanbaarsanyahay faa’idooyin weyn, asagoo ku qoran luuqadda Afka-Soomaaliga. Waa
markii ugu horeeysay oo buuggan xanbaarsan mowdhuucan oo kale lagu qoro aflka
Soomaaliga.
Barashada cilmigaan “ Maaraynta Shaaqalaha
iyo Shaqada “ ayaa ah mid ku cusub barashadisa soomaalida, inkastoo dhawanahaan
barashadiisa laga bilaaway qeybo ka mid ah Jaamacaddaha dalka.
Buuggan ayaa waxuu ka caawin donaa arday badan
oo ku jahwarer sanaa barashada
madadaan
iyo fahanka waxa ay quseeyso iyo ahmiyadda u leedahay inuu qofka soomaliga ah
barto, In kastoo dalka qaabka shaqaaleysiinta uu iska yahay mid ku saleeysan
qaab waji garasho ah oo mesha ay ka baxday hanaankii xulashada iyo
shaqeeysiinta ee ku saleeysnaa aqoonta qofka uu leeyahay shaqada uu markaas
doonayo, ayadoo aan loo fiirineeynin qofka uu yahay iyo meshaa uu kasoo jeedo.
Ujeedka ugu dhalisay inaan buugan qoro ayaa ah
markii aan arkay qaabka lagu saleeyo
kala xulashada dadka shaqadoonka ah, Xaquuqda shalaaha leyihiin iyo mida lagu leeyahay ee shaqada iyo sidii looga hortagi lahaa dhamaan arimahaas iyo caqabadaha kale ee mudada soo jiray, Markii aan arki shirkadaha dalka ka jira oo haba yaraatee aanan laheeyd qaab
siyaasideed u dagsan ee lagu kala xulo
goobta shaqada iyo shaqadoonka soomaaliyeed ee wax soo bartay, iyo
sidii looga faa’ideeysan lahaa aqoontaaas dhinaca wanaagsan.
MOHAMED KALAFOGE
No comments:
Post a Comment
Ka dhiibo fikradaada..Mahadsanid!